Donald Trump oo iska fogeeyay eedo loo soo jeediyay

0
77

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale iska fogeeyay eedo loo haysto, kaddib markii uu ka soo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Washington.

Dacwadda Trump ayaa la xirriirta doorashadii madaxtinimo ee dalkaas, waxaana loo haystaa inuu rabay inuu wax ka bedalo natiijadii doorashadii looga guulaystay ee 2020-kii.

Trump ayaa kiiskan ku tilmaamay mid muujinaya musuq-maasuqa, fadeexadda iyo guuldarrada uu Maraykanka ku hogaamiyay Madaxweyne Joe Biden, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa sidookale lagu eedeeyay inuu doonayay inuu xilka si hayo, xittaa markii looga adkaaday doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here