Real Madrid Oo Ka Hadashay Xiddigii Saddexaad Oo Ka Dhaawacmay Xagaagan

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa warbixin caafimaad kasoo saartay ciyaartoygii saddexaad ee ka dhaawacma xagaagan, waxaana ay xaqiijisay in uu muddo dheer maqnaan doono, taas oo fursad siin doonta ciyaartoy uu hore waqtigiisu u xaddidnaa.

Real Madrid ayaa waxay sheegtay, in baadhitaanno ay ku samaysay difaaca bidix ee Ferland Mendy oo ku dhaawacmay ciyaartii Sabtidii ee Barcelona, in lagu ogaaday, lagana daaweeyey dhaawac muruqa dambe ee lugta ah, isla markaana soo kabshadiisu ay waqti qaadan doonto.

Saxaafadda waddanka Spain ayaa sheegtay, in Ferland Mendy uu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah, laakiin shakiga jira ayaa ah in laacibkan ay kasii badnaan doonto muddada uu maqnaanayo inta hadda la  qiyaasayo sababtoo ah waxa uu u nugul yahay dhaawacyada.

Real Madrid oo Sabtida August 12 ciyaari doonta kulankeeda koowaad ee horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan 2023/24 oo ay garoonka San Mames ku booqan doonaan Athletic Bilbao, ayaanu Mendy awoodi doonin in uu qayb ka noqdo.

Booska uu banneeyey Mendy ayaa waxa fursad uu isku muujiyo ku heli doona Feran Garcia oo ay Real Madrid kala soo wareegtay Celta Vigo, kaas oo ay Real Madrid u carbinayso inuu booskaas si rasm ah ula wareego.

Waxa kale oo Real Madrid waqti aan la cayimin ka maqnaanaya xiddiga da’da yar ee Arda Guler oo jilibka ka dhaawacmay isaga oo tababarka ciyaartoyda kooxdiisa kula qaadanaya waddanka Maraykanka, illaa haddana kooxdu ma hubto waqtiga uu taamka noqonayo.

Waxa labadoodaba kasii horreeyey laacibka khadka dhexe ee Dani Ceballos oo tababarkii ugu horreeyey ee kooxdiisa ee xagaagan ku dhawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here