Aqalka Cad oo ka shaqeynaya xiriir dhexmara Israel iyo Sacuudiga.

0
67

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Khamiistii Jeddah kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Safarkan ayaa qeyb ka ah isku day ay saraakiisha Mareykanka ku raadinayaan habab lagu gaari karo heshiis dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, kaasi oo ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo bilo ah raadinayey wax noqon kara heshiis taariikhi ah oo dhex-mara Riyadh iyo Tel Aviv, hase yeeshee Sacuudiga ayaa iska caabinayey.

Madaxweyne Joe biden ayaa taleefishinka CNN u sheegay horaantii July, in Israel ay iyo Sacuudi Carabiya ay aad uga fog yihiin heshiis xiriir, oo ay qeyb ka noqon doonaan axdi difaac iyo barnaamij Nukliyeer rayid ah oo Riyadh ay ka dooneyso Washington.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here