Arsenal Oo Jiidhay Barcelona, Havertz Oo Markale Dhaliyay Xilli Siddeed Gool La Is-Dhaafsaday

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa guul weyn oo 5-3 ah ka gaadhay dhigeeda Barcelona kulan xiiso badnaa oo siddeed gool labada dhinac is-dhaafsadeen goor dhawaydna kusoo dhammaaday dalka Maraykanka.

Ugu horreynba Barcelona ayaa ka naxsatay Arsenal, da’yarka Eze Abde ayaa xawaare iyo xirfad kusoo dilay daafacyada Arsenal isagoo kubad uu hordhigay goolka uu ku taabtay Raphinha balse darbadaas oo uu goolhaye Ramsdale soo celiyay ayuu si sahlan goolka ugu celiyay Lewandowski.

Arsenal 5-3 Barcelona: Player Ratings as Gunners End Tour With Win

Bukayo Saka ayaa daqiiqadii 13-aad goolka kasoo guday Gunners, baas uu Ben White dhex dhigay daafaca Barca ayay si qaldan kubadda ay difaacayeen ugu dhiibeen Saka oo meel dhaw ku helay si sahlana ku dhaafiyay goolhaye Ter Stegen.

Daqiiqadii 21-aad ee kulanka ayaa rigoore loo dhigay Arsenal balse Bukayo Saka oo loo xilsaaray ayaa geeska birta midig mariyay sidaasna ku qasaariyay.

Markale Barceloan ayaa 2-1 ka dhigtay kulanka, Raphinha ayaa laad xor ah oo uu muuqday inuu marka hore u qaadayo xiddigaha kooxdiisa ee goolka Arsenal hor tubnaa toos ula beegsaday shabaqa Arsenal, goolhaye Ramsdale ayaa markale si weyn ugu ceeboobay goolkan.

Kai Havertz ayaa daqiiqadii 43-aad goolka barbardhaca u keenay Arsenal, Bukayo Saka ayaa garabka midig kasoo dalacay kubadda waxaana isku dayay inuu madaxeeyo Odegaard oo kubadda uu taabtay u tagtay Havertz oo meel dhaw kubadda kaga leexiyay goolka Barca.

Arsenal ayaa 3-2 ka dhigtay kulanka, Gabriel Jesus ayaa kubad uu soo laagay goolhaye Ramsdale u xakameeyay Trossard oo garabka midig meel ah ka farsamaystay kubadda kahor inta uusan darbo laag hoose ah goolka Barca la gaadhin.

Markale Trossard ayaa natiijada 4-2 ka dhigay, Bukayo Saka ayaa garabka bidix kubadda ugu furay Tierney oo kubadda uu goolka hor dhigay uu ku leexiyay Trossard.

Ferran Torres ayaa hal gool usoo celiyay Barcelona daqiiqadii 88-aad, kubad loogu furay geeska midig ee goolka Arsenal ayuu dhinac hoose ka dhigay goolhaye Ramsdale.

Daqiiqad kaddib waxa kulanka 5-3 ka dhigay Fabio Vieira oo meel xerada ganaaxa goolka Barcelona ka baxsan laag gantaal aad u quxroon ka dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here