Dad tiro badan oo ku dhintay dhismo kusoo dumay dalka Cameroon

0
92

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Soddon iyo saddex qof, ayaa ku dhintay magaalada ugu weyn dalka Cameroon, kadib markii dhismo afar dabaq ah uu soo dumay, iyadoo uu ku dul dhacay dhismo kale oo la deggan yahay, sida ay sheegeen dab-damiska.

Waxay ka dhacday dumistani subaxnimadii hore ee maalintii Axadda xaafadda Douala ee Ange Raphaël. Sababta ilaa hadda ma cadda.

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhaawacantay, kuwaasoo qaar badan oo kamid ah lagu daweynayo cisbitaalka Laquintine ee u dhow.

Gabar saddex jir ah oo isbitaalka loo qaaday Axaddii, ayaa markii dambe geeriyootay. Deriska oo ay dhibaato soo gaartay, ayaa burburka ka baarayay dad badbaaday, iyadoo sidoo kale gurmadkana ay qeyb ka ahaayeen ciidamada gargaarka.

Barasaabka gobolka Samuel Dieudonné Ivaha Diboua, ayaa isku dayay inuu dadka qanciyo – isagoo sheegay in xaaladdu ay gacanta ku hayaan, kooxaha samata bixintuna ay hubin doonaan in qofna aanu ku hoos harin burburka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here