PSG Oo Shaacisay Qiimaha Xiddiga Ay Liverpool Raadinayso Ee Marco Verratti

0
91

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadd cagta PSG ayaa waxay shaacisay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga reer Talyaaniga ee Marco Verratti oo ay si weyn u doonayso Liverpool, kaas oo la sheegay inuu boos muhiim ah kaga jiro qorshaha tababare Jurgen Klopp uu doonayo inuu dib ugu dhiso Reds.

Klopp ayaa waqti horeba la saxeexday oo kooxdiisa kusoo xoojiyey Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai oo isku-darkooda ay kasoo bixiyeen £95 Gini, balse waxay lumiyeen oo ka tegay dersin khadka dhexe ah sida, Alex Oxlade-Chamberlain, Naby Keita, James Milner iyo Arthur Melo.

Waxa kalae oo u dheer oo la filayaa in usbuucan ay macasalaameeyeen Jordan Henderson iyo Fabinho oo kusii jeeda horyaalka waddanka Sucuudiga, waxaana uu Jurgen Klopp doonayaa inuu la saxeexdo ciyaartooyo taydoodu sarrayso oo u beddala boosaska ay bannaynayaan ciyaartoydani.

Marco Verratti ayaa ka mid ah ciyaartoyda loo arko beddelka Jordan Henderson iyo Fabinho, waxaana si weyn u doonaya khabiirkan tababare Jurgen Klopp, sida uu sheegay wargeyska Marca ee kasoo baxa Spain.

Si kastaba, PSG ayaa waxay shaacisay qiimaha ay ku iibinayso 30 jirkan, waxaanay ku wargelisay Liverpool iyo naadiyada kale ee uu hungurigu ka hayo inay soo diyaarsadaan £60 milyan oo Gini oo u dhiganta €70 milyan oo Euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here