Jurgen Klopp Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Liverpool.

0
83

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey go’aan uu ka gaadhay mustaqbalka kooxdiisa Liverpool iyo dalab uu ka haysto xidhiidhka kubadda cagta dalkiisa ee Germany oo doonaaya inuu tababare u noqdo.

Klopp ayaa ka mid ah tababareyaasha u sharraxan inay hoggaamiyaan xulka qaranka Germany, hase yeeshee April 2022 ayaa uu go’aansaday in uu sii joogo Liverpool oo uu heshiis cusub u saxeexay.

Tababaraha hadda ee xulka Germany ee Hansi Flick ayaa uu cadaadis saaran yahay, kaddib natiijooyin aan fiicnayn oo ay ka keeneen tartankii UEFA Nations League iyo kulamadii saaxiibtinimo, waxaanay taasi keentay in mar kale lagu soo rogaal-celiyo Jurgen Klopp oo laga dalbado inuu hoggaamiyo xulka dalkiisa.

Si kastaba, Klopp oo la hadlay wargeyska The Athletic, ayaa waxa uu sheegay in ay sharaf weyn u tahay in uu tababare u noqdo xulka qarankiisa Germany, wax su’aal ahna aanu ka keenayn balse waqtigan aanu doonayn in uu ka tago Liverpool.

Klopp ayaa yidhi: “Shaqada tababarenimada xulka qaranku sharaf weyn weeye, su’aalna kama taagna, dhibaataduse waxay tahay sida aan anigu daacad uga ahay wax kasta. Waqtigan kama tegi karayo Liverpool oo ma odhan karayo waxa aan tabaabare u noqonayaa xulka Geramny. Taasi ma aha wax shaqaynaya, codsigaasina halkan ma yaallo.”

Si kastaba ha ahaatee, Jurgen Klopp ayaa waxa uu sheegay in marka uu dhamaado qandaraaskiisa Liverpool in uu ka fiirsan doono inuu noqdo macallinka xulka Germany oo uu u arko inay tahay sharaf weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here