Liverpool Oo Shaacisay Qiimaha Thiago Alcantara.

0
49

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay qiimaha ay ku iibinayso xiddigeeda khadka dhexe ee Thiago Alcantara oo la sheegay in uu go’aansaday inuu iskaga tago Anfield xagaagan, isla markaana diiday inuu kordhiyo qandaraaskiisa uu sannadku ka hadhsan yahay waqtigii uu dhamaanayo.

Kubbad-sameeyahan hore ee Bayenr Munich iyo Barcelona, ayaa waxa uu diyaar u yahay inuu ka tago Liverpool oo uu raaco raadka saaxiibbadiisa khadka dhexe ee Jordan Henderson iyo Fabinho oo u wareegaya horyaalka waddanka Sucuudiga oo ay dalabyo lacag badan ay ku xoogsanayaan ay ka haystaan.

Thiago Alcantara oo xilli-ciyaareedkii tegay u saftay Liverpool 28 kulan oo dhamaan tartamada ah, isla markaana hal gool caawiyey, ayaa waxa uu la dhibaatooday dhaawachyo muruqa ah oo kusoo noqnoqday oo u diiday inuu si habboon usoo bandhigo ciyaartii lagu yaqaanay.

Liverpool oo la saxeexay Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai xagaagan, ayaa waxa la sheegay in ay u aragto Thiago Alcantara in ay tahay in lagu tixgeliyo doonistiisa oo la iibiyo, maadaama uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay waqtiga uu sida xorta ah kaga tegayo.

32 jirkan ayaa lala xidhiidhinayaa Barcelona oo uu muddo siddeed sannadood ah kusoo qaatay intii u dhaxaysay 2005 illaa 2013, ka hor intii aanu u wareegin horyaalka waddanka Sucuudiga.

Sida uu qoray wargeyska El Nacional ee kasoo baxa waddanka Spain, Liverpool ayaa waxay ogolaatay in ay kaliya £10.3 milyan oo Gini ku iibiso Thiago Alcantara oo sannadkii 2020 ay £18.9 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Bayern Munich.

Muddadii uu joogay Anfield, Thiago Alcantara ayaa u saftay 97 ciyaarood oo uu u dhaliyey saddex gool, lix kalena caawiyey, waxaana uu kul guuleystay FA Cup, EFL Cup iyo Community Shield.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here