QM oo sheegtay tirada dhalinyarada ku dhimatay badda Mediterranean-ka.

0
96

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​saddex boqol oo carruur ah lagu qiyaasay in ay dhinteen ama la waayay sanadkan iyaga oo isku dayaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka iyaga oo ka talaabaya Waqooyiga Afrika una sii gudbaya Yurub.

Warbixinta cusub ee ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa ka digtay, in qaar badan oo ka mid ah doomaha degay aan la diiwaan gelin, taasoo oo adkeyneysa in tirada dhabta ah la xaqiijiyo .

Unicef ayaa kubaaqday in la raadiyo waddooyin kuwan ​​kaduwan oo sharci ah oo ay dhalinyaradu ku dalban karaan magangalyo iyo in la sameeyo dadaallo wanaagsan oo lagu badbaadinayo muhaajiriinta badda soo gala.

Hay’ada ayaa sidooklae ku baaqaysa in wax badan laga qabto waxa sababay in dhalinyaro badan ay ka cararaan dalalkooda oo ay naftooda halis galiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here