Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciyaarta saaxibtnimo ee ugu horreysa xagaagan, waxay kooxda Al-Nassr ku dheelaysaa waddanka Portugal iyada oo waajahaysa Alverca, laakiin waxa ka maqan xiddigeeda Cristiano Ronaldo oo aan qayb ka noqon doonin kulankan lagu ciyaaraayo waddankiisa.
Al-Nassr ayaa waxa kale oo ka maqan saxeexeeda cusub ee Marcelo Brozovoic ee ay kala soo wareegeen Inter Milan oo ay waqti hore ku noqotay ciyaartan madaama uu waqti dhow heshiiska saxeexay.
Tababaraha cusub ee Al-Nassr ee Luis Castro oo hore u ahaa macallinka kooxda reer Brazil ee Botafogo, ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey waxa uu ciyaartoyda kooxdiisa tababarro ku siinayay Portugal, balse illaa hadda waxa aan tababarka imanin laba ciyaartoy oo waaweyn oo ah Ronaldo iyo Brozovic.