Barcelona Oo Kooxdeeda Ka Dhex Heshay Xiddiga Dhaxlaya Sergio Busquets

0
76

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kaddib bixitaankii Sergio Busquets, Barcelona ayaan haysan ciyaaryahan dabiici ah oo booska No.6 dheeli kara waxaana la filayaa inay saxeexa booskaas samayn doonaan gudaha suuqan.

Iyadoo ay saamaynayso xaalada dhaqaale ee adag ee haysataa, Barca ayaan lacag badan ku bixin doonin ciyaaryahan booskaas ah taas oo ka dhigan inay bartilmaameedsanayaan ciyaaryahan mudo gaaban ka saara dhibta doorkaas.

Ciyaaryahankaas ayaa u muuqda inuu noqon doono burburiyaha kooxda Girona ee Oriol Romeu oo carruurnimadiisii kuliyada da’yarta Barcelona kasoo baxay.

Laakiin marka laga eego dhinaca bedelka mustaqbalka fog ee Busquets ayay Barcelona haysataa labada ciyaaryahan ee kala ah Marc Casado iyo Pau Prim oo labaduba kuliyadeeda da’yarta ku jira.

Waliba Pau Prim ayaa ah ciyaaryahanka kooxdu sida weyn u qiimaynayso una aragto No.6-ka mustaqbalka ee kooxdeeda sida uu sheegayo wargeyska Sport.

Barcelona ayaa qabta dareenka ah in Prim uu bedeli doono Romeu haddii uu 31 sano jirkaasi kooxdeeda kusoo biiro xagaagan.

Prim ayaa loo arkaa inuu yahay hibo cajiib ah isagoo awood u leh inuu labada lugoodba ku abuuro fursado, Barcelona ayaa tiro ciyaartoy xiiso leh ku haysata da’yarteeda waxaana hubaal kamid ah Pau Prim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here