Dad ku geeriyooday Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Maraykanka.

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lix qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen Diyaarad yar oo ku burburtay Gobalka California ee dalka Mareykanka.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Federalka ee Maamulka Duullimaadka (FAA) ayaa lagu sheegay in Diyaaradda burburtay nooceedu ahaa Cessna C550, taasi oo ku dhacday meel ku dhow Garoonka Murrieta Airport ee dhanka K/Bari kaga toosan magaalladda Los Angeles.

Diyaaradda waxay ka soo duushay Garoonka Las Vegas International Airport, sida ay Hay’adda FAA shaacisay.

Saraakiisha Boliska ayaa gaaray goobta ay Diyaaradda ku burburtay, waxayna arkeen Diyaaradda oo ku gubanayso iyo maydadka lixdii qof ee la socday.

Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay inay Ceeryaamo xoogan jirtay, xilligii ay Diyaaradda la kulantay Shilkaasi ay ku burburtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here