Harry Maguire Oo Laga Qaadayo Kabtanimada Man United & Ciyaaryahanka Bedeli Kara

0
108

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtanka kooxda Manchester United ee Harry Maguire ayaa masuuliyadaas waayi kara dhawaan sida ay sheegayaan warbixino cusub oo ka imanaya dalka England.

Maguire ayaa kaliya siddeed kulan Premier League kusoo bilawday xilli ciyaareedkii hore isagoo xulashada daafaca dhexe kaga dib dhacay Raphael Varane, Lisandro Martinez, Victor Lindelof iyo xataa Luke Shaw.

Erik Ten Hag ayaa u muujiyay Maguire inuusan ku jirin qorshihiisa mudada dheer ee Old Trafford sidaas darteedna isbedel dhinaca kabtanimada ah ayaa dhici kara.

Wargeyska The Sun ayuu kasoo yeedhay war weyn oo ah in Harry Maguire toddobaadkan laga xayuubin doono kabtanimada Man United.

Warbixinta ayaa sheegaysa in kubad sameeyaha Portuguese-ka ah ee Bruno Fernandes ah xiddiga ugu cad cad inuu noqdo kabtanka cusub ee Red Devils xilli ciyaareedka cusub.

Warkan ayaa imanaya xilli Bruno ahaa kabtanka Manchester badi xilli ciyaareedkii hore markasta oo Maguire garoonka ka maqan yahay.

Warkan ayaa imanaya kaddib markii goolhaye David De Gea oo kamid ahaa xiddigaha ugu mudada dheer Manchester uu xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here