DEG-DEG: Arsenal Oo Shaacisay Heshiis Weyn Oo Muddo La Sugayey

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ugu dambayn ku dhawaaqday heshiis weyn oo muddo la sugayay, waxaanay xaqiijisteen in ay sii haysan doonaan laf-dhabar aanay la’aantii socon karaynin oo ogolaaday inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Emirates Stadium.

Arsenal ayaa si firfircoon ugu jirta suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan oo ay hore ugu dhawaaqday heshiiska Kai Havertz, sidoo kalena ay tijaabada caafimaadka u mareen Declan Rice iyo Jurrien Timber oo labadaba  saacadaha soo socda lagu dhawaaqayo heshiiskooda, ayaa waxa dhinaca kale ay qandaraasyo cusub ka saxeexaysaa ciyaartoydeeda muhiimka ah.

Gunners ayaa waxay hore heshiisyo cusub uga saxeexday Bukayo Saka, Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli, Aaron Ramsdale iyo Reiss Nelson, waxaana hadda lagu dhawaaqay heshiis cusub oo waqti dheer  ah oo uu qalinka ku duugay difaac reer France ee William Saliba.

Qandaraaska uu Saliba kula jiray Arsenal oo 12 bilood oo kali ahi ka hadhsanaayeen ayaa saxeexay heshiis cusub oo socon doona illaa sannadka 2027 balse ay Arsenal haysato dookh siinaya in ay qandaraaskaas ku kordhiso 12 bilood oo kale oo kusii hayn doona Emirates Stadium illaa laga gaadhayo sannadka 2028.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here