Real Madrid Oo Barcelona Ku Garaacday Heshiiska Lionel Messi-ga Turkey.

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku garaacday kooxda ay cadaawaddu ka dhaxayso ee Barcelona saxeexa xiddiga reer Turkey ee Arda Guler ee lagu naanayso ‘Turkish Messi’, kaas oo subaxnimadii hore ee saaka la wariyey inay tallaabooyin u jirto Barcelona.

Real Madrid ayaa gudbisay dalab weyn oo sare u dhaafay lacagtii ay Barcelona ku doonaysay laacibkan, kaas oo waliba faa’iido dhaqaale oo mustaqbalka ay ku heli doonto Fenerbahce, waxaanay taasi keentay in laacibkani uu si fudud usoo galo gacanta Madrid.

Los Blancos ayaa mar dhoweyd waxay Arda Guler ka gudbisay dalab xambaarsan €20 milyan oo Gini oo ay dheer yihiin canshuuraha iibka oo ay bixnayso Madrid iyo gunnooyin, waxaana sidoo kale ay Fenerbahce saami ku yeelan doontaa mustaqbalka xuquuqda laacibkan haddii ay Real Madrid sii iibiso, taas oo kaa dhigan in saami ay ku yeelanayaan lacagta lagu iibiyo.

Arda Guler oo sannadkii 2005 ku dhashay waddanka Turkey ayaa waxa hadda ay labada kooxood qarka u saaran yihiin inay ku dhawaaqaan dhamaystirka heshiiska, taas oo ka dhigan in Barcelona laga garbiyey xiddigan oo uu Madaxweynaha Barca ee Joan Laporta saxaafadda u sheegay in uu u xil-saaray Deco oo heshiiskiisa uu dhamaystirayo.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Real Madrid ay dhamaystirto heshiiska Guler oo uu noqdo ciyaartoy ka tirsan Los Blancos oo uu tababare Carlo Ancelotti ku xoojin doono safkiisa.

Arda Guler oo ay da’disu tahay 18 jir ayaa waxa kale oo la  sheegay in uu ka laabtay go’aankiisii hore ee ahaa inuu ku biiro Barcelona, waxaana uu aqbalay Real Madrid sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain.

Go’aanka laacibkani ku doortay Real Madrid ayaa waxa qayb weyn ka ciyaaray Mesut Ozil oo telefoonka kula hadlay isla markaana u sheegay in uu tago Real Madrid oo uu xusay inay uga fursad iyo magac wanaagsan tahay kooxda reer Catalonia.

Guler oo ka sokow Real Madrid iyo Barcelona ay doonayeen Sevilla, AC Milan iyo Arsenal, ayaa waxa uu adduunyada isku tusay xilli-ciyaareedkii tegay ee 2022-23 oo uu 35 ciyaarood u dheelay kooxda koowaad ee Fenerbahce oo uu u dhaliyey lix gool, toddoba kalena caawiye uga noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here