Dal Yurub ku yaalla oo raalligelin ka bixiyay doorkii uu ku lahaa addoonsiga

0
75

Jowhar – ( Radio Isnaay ) Boqorka Nederland ayaa si rasmi ah raaligelin uga bixiyay doorka dalkiisa ee ka ganacsiga addoonta, isagoo sheegay inuu dareemayo “qof ahaan iyo dal ahaanba ” inay saamaysay.

Wadanku waxa uu noqday meel gumaysi wixii ka dambeeyay Qarnigii 17-aad, isaga oo haysta dhulal badan oo caalamka ah, ganacsatada addoonta ah ee Nederland waxa ay ka ganacsanayeen in ka badan 600,000 oo qof.

Boqor Willem-Alexander ayaa Sabtidii ku tilmaamay falkan mid “argagax leh”.

Qoyska boqortooyada ma aysan samayn wax ay ku joojiyaan, ayuu yiri.

Waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibad lagu xusayay sannad-guuradii 160-aad ee ka soo wareegtay markii la cirib-tiray adoonsiga dalkaasi ma cadda ka hor munaasabadda in boqorku uu raalli-gelin ka bixin doono doorka qoyska boqortooyada ee dhaqankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here