FIFA Oo Ciqaabi Doonta Manchester United Haddii Ay La Saxeexato Goolhaye Andre Onana

0
54

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la kulmi doonta ciqaab adag oo kaga iman doonta FIFA, UEFA iyo Premier League haddii ay la saxeexato goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana oo ay Inter Milan xaqiijisay in Red Devils ay ku wargelisay inay doonayso, isla markaana ay ka sugayaan dalab rasmi ah.

Manchester United oo fasaxday goolhayaheedii David De Gea oo iyaga oo la gaadhay heshiis cusub haddana kaga baxay, sidoo kalena diiday inay hirgeliyaan qodob siinayay inay 12 bilood oo kale sii haysan karaan, ayaa waxay la kulmi doontaa ganaax culus haddii ay la saxeexato goolhayae Onana.

Red Devils ayaa u muuqata in ay xaaladdu ku adag tahay oo ay ka shallaynayso sababtii ay iskaga sii deysay goolhaye David De Gea, waxaanay taageereyaashu ka baqayaan in uu ku dhaco nabsiga goolhayaha reer Spain ee 12ka sannadood sida heerka sare ah ugu soo shaqaynayay, isla markaana xilli-ciyaareedkii tegay ku guuleystay abaal-marinta goolhayaha ugu fiican horyaalka Premier League.

Inter Milan ayaa wali sugaysa dalabka rasmiga ah ee Manchester United ee Andre Onana oo qiimihiisu lagu sheegay €70 milyan oo Euro, kaas oo uu tababare Erik ten Hag doonayo in loo keeno, waxaana sababta uu ku doortay ay tahay in uu ka qayb qaadanayo ciyaarta oo uu kubadda ka dhisayo difaaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here