Madaxweynihii hore ee Brazil oo laga mamnuucay tartanka doorashada ilaa 2030.

0
81

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddi garsoorayaal ah ayaa u codeeyay Jimcihii in madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro uusan u qalmin inuu mar kale u tartamo xafiiska madaxweynaha, iyaga oo warbixintooda kusoo gabangabeeyay inuu ku takri falay awooddiisa, uuna shaki ‘aan sal iyo raad toona lahayn ka galiyay nidaamka cod bixinta ee dalkaas.’

Go’aankaan ayaa ka joojin doona Bolsonaro inuu u tartamo madaxweynaha ilaa 2030, taasoo mugdi gelineysa mustaqbalka siyaasadeed ee 68-jirka, waxayna u badan tahay inuu tirtirto fursad kasta oo uu dib ugu soo noqon karo awoodda.

Afar ka mid ah toddobada garsoore ee maxkamada ugu sarreysa dalka ayaa isku raacay in Bolsonaro uu ku takri falay awooddiisa isaga oo adeegsanaya kanaalada isgaarsiinta dowladda si uu u dhiirrigeliyo ololihiisa oo uu shaki geliyo codka.

Kiiska loo heysto ayaa diiradda saaray shirkii bishii Julay 18-keedii, 2022, halkaas oo Bolsonaro u adeegsaday shaqaalaha dawladda, kanaalka telefishinka dawladda iyo qasriga madaxtooyada ee Brasilia si uu ugu sheego safiirrada ajnabiga ah in nidaamka codbixinta ee elektaroonigga ah ee waddanka la musuqmaasuqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here