Wabiga Shabeelle oo Ku fatahay Tuulada Kulmis Weyne ee degmada Mahadaay.

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad Ka sameeyay Tuulada Kulmis Weyne oo hoostagta Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka Tuula ayaa wada Dadaalo ay uga Gaashaamanayan in Fatahaadu ay Cagta Mariso Guryahooda waxaana ay Billaabeen in ay Caratuur ku Sameeyaan Hareeraha Tuulada.

Shalay oo ahayd Maalinta koobaad ee Munaasabadda Ciidul Adxa ayaa waxa ay qoysaska ku Nool Kulmis weyne la Daalaa Dhacayen Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Warbixintan waxaa Inoo Soo jeedinaya : – Cabdicasiis Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here