Waddan Yurub ku yaalla oo lacag ku bixinaya in la dego qaybo ka mid ah dalkiisa.

0
44

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Ireland ayaa wadda qorshe ay kor ugu qaadayso nolosha dadka ku nool in ka badan labaatan jasiiradood oo fogfog oo ku yaalla badweynta Atlaantigga ee galbeedka dalkaas.

Dadka halkaa u guuraya ayaa lagu xiray shuruudo si ay u helaan deeq lacageed oo dhan 92,000 oo doollar oo si gaar ah loo siinayo iibsadayaasha guryaha iyo dhulka. Lacagaha la siinayo dadka halkaas deegaan ahaanta ugu guuraya waxaa lagu bixin doonaa dhismaha iyo dib u habeynta guryaha horey loo dayacay.

Dadka jasiiradaha hadda ku nool ayaa loo sheegay in aysan jirin wax xaddidaad ah oo ku xiran dhulka iyo guryaha marka ay timaaddo cidda iibsaneysa.

Jasiiradaha waxaa ka mid ah Inis Mór, waana mid ka mid ah jasiiradaha ku yaalla xeebta galbeed ee Ireland, oo ah goobo qurux badan oo sidoo kale ay ku yaallaan goobo loo dalxiis tago kuna teedsan buuro iyo xeebo.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay tirada dadka ku nool jaziiradahaan ayaa sii yaraaneysay, laakin qorshaha ay hadda waddo dowladda Ireland ayaa ah in ay halkaa gayso dad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here