Manchester United Oo Laga Afduubanayo Mason Mount.

0
48

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer England ee Mason Mount ee ay sida weyn u doonayso Manchester United ayaa uu mustaqbalkiisu waji kale yeeshay, waxaana loollankiisa soo gashay koox weyn oo reer Yurub ah oo doonaya inay ka hor qaaddo Red Devils.

Manchester United oo saddex dalab oo ay ka gudbisay Mason Mount ku guuleysan weyday oo ay Chelsea diidday, ayaa waxa hadda uu u dhaqaaqi karayaa koox kale oo si dhab ah usoo gashay tartankiisa.

Kubbad-sameeyahan oo ay Chelsea iibkiisa ku xidhay £65 milyan oo Gini ayaa waxa tartankiisa kusoo biirtay Bayern Munich oo doonaysa inay la saxeexato xagaagan, iyadoo Bavaria diyaar la ah inay bixiso lacagta ay Blues dalbanayso.

Sida uu qoray wargeyska The Guardian, tababare Thomas Tuchel oo ay Chelsea eriday bishii September ayaa doonaya in uu laacibkan geysto kooxdiisa cusub ee Bayenr Munich, waxaana uu kalsooni ku qabaa kartida iyo tayada laacibkan oo tiir-dhexaad u ahaa guushii Chelsea ee Champions League ee 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here