Wiilka Madaxweyne Biden oo maxkamad la soo taagayo

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wiilka madaxweyne Joe Biden, Hunter Biden ayaa 26-ka July kasoo hor muuqan doona maxkamad federal oo ku taalla gobolka Delaware, si uu u wajaho dacwado la xiriira

canshuur iyo hub, waxaa sidaas Arbacadii lagu sheegay dokumenti maxkamadeed.
Waaxda Cadaaladda ayaa Talaadadii sheegtay in Hunter Biden, oo 53 jir ah, uu ogolaaday inuu qirto dambiga laba dacwad oo fudud.

Dambiga koowaad ayaa la xiriira inuu ku guuldarreystay inuu bixiyo canshuurta dakhli soo galay, halka midka labaad uu yahay haysashada hub xilli jirkiisu daroogeysnaa.
Heshiiska qirashada dambiga labaad ee la xiriira hubka ayaa Biden ka weecin doonta in lagu soo oogo dambi weyn oo federal, oo uu xabsi ku gali karo.

Dhageysiga Maxkamadda ee la waqtiyeeyey ee 26-ka July ayaa noqon doonta mid uu Hunter si rasmi ah ugu wajaho dacwadaha islamarkaana ku galo heshiiska ay wada gaareen Waaxda Cadaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here