Dalxiisayaashii saarnaa markabkii la la’aa oo la shaaciyay inay geeriyoodeen

0
52

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa goor dhaw shaaciyay in la rumeysan yahay inay dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa markabkii gunjiska ahaa ee ay la socdeen dalxiisayaashii maalqabeenka ah oo maalmihii ugu dambeeyay la baadi goobayay.

“Anigoo ku hadlaya magaca Ilaalada Xeebaha Mareykanka iyo dhammaan taliska mideysan, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska,” ayuu yiri Admiral John Mauger .

Shirkadda OceanGate oo iska lahayd markabkii ay dalxiisayaasha saarnaayeen ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay rumeysan yihiin in dhammaan shantii qof ee saarneyd ay dhinteen.

Markabkan ayaa la waayay Axaddii islamarkana waxaa tan iyo xilligaasi lagu jiray baadigoobkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here