Qorshihii Manchester United Ay Kaga Takhalusaysay David De Ge Oo Guuleystay.

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u muuqata inay ku guuleysanayso qorshaheedii ahaa inay ka takhalusto goolhayaheeda David de Gea oo uu tababare Erik ten Hag saluug badan ka muujinayo, inkasta oo uu ku guuleysatay goolyihii ugu fiicnaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii tegay.

Erik ten Hag ayaa hore u dalbaday in loo keeno goolhayaha koowaad ee xulka qaranka England ee Jordan Pickford, waxaana hadda usoo muuqatay saansaantii uu ku heli lahaa.

Everton ayaa la sheegay in ay dalbatay Sam Johnstone oo u ciyaara Crystal Palace oo ay ka dhiganayso beddelka Jordan Pickford oo ay ugu dambayntii ogolaatay in uu u wareego Manchester United, kaddib markii uu goolhayaha reer England ku wargeliyey naadigiisa in uu doonayo inuu ciyaaro tartanka Champions League.

David De Gea oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Manchester United oo uu toddobaadkii ka qaato £375,000 ayaa la sheegay in ay u badan tahay in aanu heshiis cusub u saxeexin kooxdiisa, inkasta oo Red Devils ay ka fiirsanayso inay dhaqan-geliso heshiiskii 12 bilood oo dookh ahaa.

Manchester United oo sidoo kale xiisaynaysa Andre Onana oo Inter Milan ah iyo Diogo Costa oo u ciyaara FC Porto ayaa waxa ay damaceeda iskugu geynaysaa Jordan Pickford halka Everton ay doonayso inay bixiso £10 milyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaska Johnstone ee Crystal Palace.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here