Brazil oo Heshiis La Gaartay Tababare Carlo Ancelotti.

0
60

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis la gaadhay xidhiidhka kubadda cagta Brazil oo u magacaabaya tababaraha xulka qarankooda, waxaana soo baxay magacyada halyeeyada Brazil ee ku riixay inuu shaqadan qabto.

Carlo Ancelotti ayaa ogolaaday in uu soo afjaro waayihiisa tababaridda naadiyada oo uu u guuro dhinaca ciyaaraha caalamiga ah, waxaana heshiiskan ogaaday wargeyska Globoesprte ee kasoo baxa waddanka Brazil.

Xilli-ciyaareedka 2023-24 ee dhowaanta bilaabmaya ayaa noqon doona midka ugu dambeeya ee Carlo Ancelotti uu layn doono Real Madrid, waxaana heshiiska uu la gaadhay xidhiidhka kubdda cagta Brazil uu dhigayaa in macallin ku-meelgaadh ah loo magacaabo xulkaas inta uu Ancelotti kasoo lug-baxayo Real Madrid.

Madaxweynaha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa dhinaciisa bilaabay xulashada tababaraha uu ku beddeli doono Carlo Ancelotti, waxaana murashaxiinta ku jira Raul Gonzalez oo ah tababaraha hadda ee kooxda da’yarta Real Madrid ee Castilla iyo Xabi Alonso oo ah tababaraha Bayer Leverkusen.

Warka ayaa intaa ku daray, in xidhiidhka kubadda cagta Brazil ay doonayaan in ay tababarahooda ku-meelgaadhka ah u magacaabaan wiilka uu dhalay Ancelotti ee Davide oo ah tababare-ku-xigeenka Real Madrid.

Davide oo ay da’iidu tahay 33 jir ayaa leh waayo aragnimo uu kasoo dhaxlay waqtiyadii uu ka hoos shaqaynayay aabbihii isaga oo ku-xigeen ugu soo noqday kooxaha Real Madrid, Bayern Munich, Napoli iyo Everton.

Ciyaartoyda Carlo Ancelotti ku riixday inuu qabto shaqada xulka Brazil ayaa waxa ka mid ah halyeeyadii uu tababaraha usoo noqday ee Ronaldo Nazario, Ricardo Kaka, Marcelo, Casemiro iyo ciyaartoydiisa hadda ee Real Madrid ee Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Eder Militao.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here