Gabadhii Ugu Horreysay ee Muslim ah oo Loo Magacaabay Garsoore Heer Federaal ah dalka Mareykanka

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Golaha Senate-ka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslin ah ee xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladesh.

Nuarat ayaa horay xilal sare uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois. Iyada oo wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada.

Golaha Senateka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100 mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here