Baaritaanka Dhiigga oo lagu ogaan karo 50 nooc oo cudurka Kansarka ah

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cilmi-baarayaal ku sugan England ayaa sheegay in baaritaan dhiig oo ay samaysay ha’adada Adeegga Caafimaadka Qaranka (NHS) ay muujisay hubantida in lagu ogaan karo in ka badan 50 nooc oo kansar ah.

Tijaabooyin lagu sameeyay 5,000 oo qof ayaa soo bandhigay calaamado laga shakiyo oo dhakhaatiirta qoyska ee England iyo Wales ay si sax ah ugu ogaadeeni seddex-meelood laba meelood in ay tahay kansar .

Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu ogaaday Meesha dhabta ah ee uu cudurku ka jiro 85 boqolkiiba kiisaska kansarka.

Baaritaanka oo loo yaqaan “Galleri” waxa uu eegayaa isbeddello gaar ah oo ku yimaada qaybo ka mid ah nooca hidde-sidaha ee kasoo daadanaya noocyada kala duwan ee kansarka. In horey loosii ogaado nooca kansarka ee la daweyn karo marka la baaro waxay badbaadin kartaa nolosha qofka.

Cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Oxford ayaa sheegay in tijaabadu ay weli’ “u furantahay in lasii horumariyo “. Si kastaba ha ahaatee khubarada ayaa sheegaya in ay kordhin karto tirada kiisaska lagu ogaan karo kansarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here