HORDHAC: Man City v Inter Milan

0
69

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gegida Ataturk Olympic Stadium ee magaalada Istanbul ayuu caawa mashquul badani ka jiraa maadaama ay kulanka kama dambaysta Champions League halkaas ku ballansan yihiin kooxaha Manchester City iyo Inter Milan.

Man City oo aan waligeed koobkan qaadin ayaa caawa taariikhdan iska reebi karta halka ay dhinaca kale dhammaystiri karaan saddexleyda koobabka ah xilli ciyaareedkan maadaama ay horeba usoo hanteen Premier League iyo FA Cup.

Dhinaceeda Inter Milan ayaa hore saddex Champions League magaceeda ugu soo qortay oo midkii afraad ku raadjoogta.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Kyle Walker ayaa ah xiddiga kaliya ee shakiga la gelinayo safka Man City balse wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya inuu taam buuxa yahay oo diyaar yahay.

Walker ayaa markale saddexda daafac kala soo muuqan kara Dias iyo Akanji halka uu John Stones khadka dhexe kala dheeli doono Rodrigo.

Silva iyo Grealish ayaa garbaha weerarka kasoo muuqanaya halka Gundogan iyo De Bruyne ka dambayn doonaan Haaland.

Dhinaca Inter waxa shaki ku jiraa taam ahaanshaha Henrikh Mkhitaryan oo dhaawac bawdada ahi soo gaadhay afar dhammaadkii si lamid ah Joaquin Correa oo dhaawac kubka ahi haleelay Finalkii Coppa Italia.

Darmian, Acerbi iyo Bastoni ayaa markale saddexda daafac ee Inter dheeli kara iyadoo Dumfries iyo Dimarco garbaha daafac-weerar kasoo muuqanayaan.

Brozovic, Hakan iyo Barella ayaa la filayaa inay khadka dhexe kasoo wada muuqdaan balse su’aasha ayaa ah miyuu Dzeko oo kulamadii afar dhammaadka ciyaaray markale kasoo hormari doonaa Romelu Lukaku.

Shaxaha Macquulka Ah

Man City (3-4-2-1): Ederson; Walker, Dias, Akanji; Stones, Rodri; Silva, De Bruyne, Gundogan, Grealish; Haaland

Inter Milan  (3-5-2): Onana; Darmian, Acerbi, Bastoni; Dumfries, Barella, Calhanoglu, Brozovic, Dimarco; Martinez, Dzeko

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Ataturk Olympic Stadium

Garsoore: Szymon Marciniak (Poland)

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here