Erdogan oo ku guuleystay doorashadii Turkiga.

0
52

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddiga doorsahada dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd ee axaddii dhacday.

Iyadoo inta badan codadka la tiriyay, ayaa waxay sheegeen in Mr Erdogan uu boqolkiiba lix dhibcood ka horeeyo ninka la tartamayay ee Kemal Kılıçdaroğlu, uuna xilka hayn doono shan sano oo kale.

Waxa uu taageerayaashiisa u sheegay in Turkiga uu yihiin cidda guuleysatay . Ninka la tartamayey, Kemal Kılıçdaroğlu, ayaa sheegay in natiijadu ay muujinayso rabitaanka dadka ee ah in ay beddelaan dowlad kalitalis ah. Waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay “dhibaatooyinka” sugaya Turkiga.

Ka hor inta uusan xitaa ku dhawaaqin guusha Mr Erdogan waxaa u hambalyeeyay hogaamiyayaasha Hungary iyo Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here