Real Madrid Iyo Barcelona Oo Laga Mamnuucayo ‘El Clasico.

0
54

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa gaadhay go’aanka uu kaga tagayo Real Madrid garabka weerar ee kooxdaas ee Marco Asensio iyadoo durba qaar kamida kooxaha waaweyn ee Yurub safaf dhaadheer usoo galeen saxeexiisa.

Asensio ayuu heshiiskiisa Madrid dhacayaa xagaaga dambe oo si xor ah lagu heli karaa. Sida uu haatan sheegayo muuqbaahiyaha ESPN, Paris Saint-Germain ayaa kooxaha kale uga dheeraysay saxeexa Asensio wadahadalo meel fiican marayana kula jirta.

Image

Bishii April ayay ahayd markii warbaahinta qaar sheegtay in Asensio ku dhaw yahay inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Real Madrid oo heshiis cusub saxeexayo balse wadahadalada ayaa u muuqda kuwo gabi ahaanba burburay.

Asensio ayaa diiday dalabka uu ka helay Real Madrid haatana wakiilkiisa Jorge Mendes ku raacay inuu koox cusub usoo raadiyo.

Mendes iyo madaxa wadahadalada PSG ee Luis Campos oo ah laba shaqsi oo xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo ayaa wadahadal ka galay arrimaha Asensio.

Arsenal ayaa hore wadahadalo ula yeelatay Asensio balse waxay u muuqataa inaysan ku qancin karin in u dhaqaaqista kooxdoodu tahay dookhiisa ugu fiican.

27 sano jirkaas ayaa ka cadhooday ciyaar yaridiisa xilli ciyaareedkan isagoo 15 kulan oo La Liga ah kasoo muuqday Los Blancos.

Wakhti ciyaareedka Marco ayay yareeyeen Vinicius Jr, Rodrygo Goes iyo Federico Valverde oo uu macalin Carlo Ancelotti inta badan garbaha weerarka usoo adeegsanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here