DEG-DEG: Tababare Aqbalay Inuu Shaqada Tottenham Qabto Oo Kaga Guuleysanaya Luis Enrique

0
113

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Macalinka kooxda Feyenoord ee Arne Slot ayay sii xoogaysanayaan wararka la xidhiidhinaya shaqada tababarenimo ee Tottenham Hotspurs.

Slot oo 44 sano jir ah ayaa xilli ciyaareed qurxoon lasoo qaatay Feyenoord oo uu horyaalka Holland ee Eredivise kusoo guuleeyay.

Tottenham turned down by Feyenoord director & yet to approach Arne Slot | Football | Metro News

Sida uu sheegayo wargeyska Dutch-ka ah ee Telegraaf, wakiilka Arne Slot ee Rafaela Pimenta ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wadahadalo kula jirtay Tottenham waxayna u sheegtay in macalinka ay masuulka ka tahay aqbalay shaqadeeda.

Slot ayaa la filayaa inay Tottenham kasoo bixin doonto 6 Milyan oo pound haddii ay doonayso inay Feyenoord kala soo saxeexato.

Slot ayay warbixinaha qaar sheegeen inuu sanadkii 1.7 Milyan pound mushahar ahaan uga qaato Feyenoord, waxa la filayaa inuu mushahar kordhin weyn ka helo kooxda waqooyiga London.

Feyenoord ayaa aad u doonaysa inay macalinkeeda sii haysato kahor ku laabashadeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Wakiil Pimenta ayaa Arbacada wadahadalo kula ballansan maamulaha guud ee Feyenoord ee Dennis te Kloese iyadoo la filayo in xog cad laga helo mustaqbalka tababare Arne Slot.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here