HORDHAC: Liverpool v Aston Villa

0
73

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool oo caydhsanaysa kaalmaha Champions League loogu soo baxo ayaa kulan kale oo muhiim ah maanta Anfield Road kula ballansan dhigeeda Aston Villa.

Reds ayaa hal dhibic ka dambeeya Man United oo iyaduna Bournemouth booqanaysa, Liverpool ayaa u baahan saddexdan dhibcood iyadoo haddii laga badiyo oo Man United badiso hubaal macsalaamaynaysa Champions League sanadka dambe.

Tababare Jurgen Klopp oo lagu ganaaxay hadalkii uu garsoore Paul Tierney ka yidhi kulankii ay Tottenham 4-3 uga adkaadeen dhawaan ayaa maqnaanaya.

Wararka Labada Kooxood

Liverpool waxa dhaawacyo kaga maqnaan doona Calvin Ramsay, Stefan Bajcetic iyo Thiago Alcantara.

Alexander-Arnold iyo Robertson ayaa markale garbaha daafaca kusoo bilaaban kara halka Van Dijk iyo Konate daafaca dhexe ku midoobayaan.

Fabinho, Henderson iyo Jones oo boos joogto ah helay wacdarona dhigaya ayaa khadka dhexe markale isku bahaysan kara.

Roberto Firmino oo kulankiisii ugu dambeeyay ee Anfield uu yahay ayaa kusoo bilaaban kara weerarka isagoo Diaz iyo Mohamed Salah ka garab dheelaya.

Dhinaca Villans waxa tababare Unai Emery dhaawacyo kaga maqan kaliya ed Steer iyo Philippe Coutinho.

Shaxaha Macquulka Ah

Liverpool 

(4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Jones; Salah, Firmino, Diaz

Aston Villa (4-4-2): Martinez; Young, Konsa, Mings, Moreno; McGinn, Kamara, Luiz, Ramsey; Buendia, Watkins
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Anfield
Wakhtiga: 5:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: John Broosk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here