Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga oo ka cabanaya wax is daba marin la xiriirta Doorashada

0
73

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ayaa sheegay in ay dacwad u gudbiyeen maamulka doorashada oo ku saabsan wax isdaba marin lagu sameeyay codbixintii Axadii.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay in ay si khaldan u tiriyeen kumanaan sanaadiiq codbixineed oo ka dhacay goobaha codbixinta ee madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah ayaa dhacaysa dabayaaqada bishan.

Musharraxa isbahaysiga mucaaradka Kemal Kilicdaroglu, ayaa wajahaya loolan adag oo uu ku doonayo in uu meesha kaga saaro hoggaankii ugu horeeyay ee uu ku riyaaqay hoggaamiyaha mudada dheer ee Turkiga, Madaxweyne Erdogan.

Mr Erdogan ayaa si dirqi ah ugu guul darreystay in uu gaaro boqolkiiba konton si looga fogaado in wareeg labaad la qabto.

Xisbigiisa AK iyo xulafadiisa ayaa aqlabiyadda baarlamaanka ku guuleystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here