Mas’uul ka tirsanaan jiray dowladdii hore ee Afghanistan oo isku dhiibay Taliban

0
89

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbaahin ku dhow dhow kooxda Taliban ee dalka Afghanistan, ayaa baahisay muuqaal kooban oo laga soo duubay wasiirkii hore ee warfaafinta iyo dhaqanka dowladdii hore ee Afgaanistaan ​​Tahir Zahir, maalin kadib markii uu isku dhiibay Taliban.

Dhanka kale, ilo ku dhow Tahir Zuhair, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu isku dhiibay kooxda Taalibaan ee ka dagaalanta gobolka Samangan.

Muuqaal la sii daayay oo aan la caddayn, ayuu Zuhair ku sheegay inuu “la heshiiyey Taliban”.

Wuxuu intaa ku daray ” in dagaal iyo qulqulatooyin aanay xal u ahayn dhibaatada ka jirta dalka Afgaanistaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here