Ergada Sudan oo ka wadahadlay in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee Dalkaasi

0
85

Jowhar- (Isnaay Radio)- Ergo ka kala socota dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa ku sugan dalka Sucuudiga, si ay u diyaariyaan in la furo marino ammaan ah oo ay isticmaalaan gargaarka bini’aadanimo, si loo gaadho dadka tabaalaysan.

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 334,000 oo qof inay ku barakaceen dagaallada ka socda Sudan, marka lagu daro illaa 100,000 oo qof oo iyagu dalka ka baxay. Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa iyadu ma digtay in dagaalada ka socda Sudan inay keeni karaan inay dalkaas ka cararaan in ka badan 800,000.

Inta badan hawlihii gargaarka bini’aadanimo ayaa hakad la geliyey ama waxaa si daran u saameeyey xaalada amni ee dalkaas ka jira. Iyada oo qaar ka mida shaqaalaha gargaarku ay ku dhinteen dagaalada.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in la bililiqaystay qaar ka mida taakulooyinkii loogu talo galay hawlaha gargaarka bini’aadanimo.

Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in ugu yaraan 17,000 oo ton oo cunto ah oo u dhiganta $13 illaa $14 million in laga xaday bakhaaradii kaydka ee ku yaallay meelo badan oo dalka Sudan ah.

Isutagga hay’adaha Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa baaq degdeg ah soo saaray, oo ku saabsan in la taageero hay’adda Bisha Cas ee Sudan, si ay gargaar bini’aadanimo u gaadhsiiyaan illaa 200,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here