HORDHAC: Brighton v Man United

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Man United ayaa kulan muhiim u ah hammigeeda kaalmaha afarta sarre ee Premier League caawa Amex Stadium ku booqanaysa Brighton.

Seagulls ayaa kulankii koowaad ee xilli ciyaareedka Old Trafford kaga badiyay Red Devils balse maanta doonaya aargoosiga afar dhammaadkii FA Cup ee ay Man United dhawaan ku reebtay.

Wararka Labada Kooxood

Tababare Roberto De Zerbi ayuu dhaawac kulankii ugu dambeeyay ka gaadhay Joel Veltman kaas oo liiska xiddigaha maqan kula biiraya Tariq Lamptey, Adam Lallana, Jakub Moder, Jeremy Sarmiento.

Sidoo kale weeraryahanka Irish-ka ah ee Evan Ferguson. ayaan la filayn inuu taam buuxa u noqdo kulankan taas oo ka dhigan in Danny Welbeck weerarka hoggaamin doono.

Dhinaca Man United waxa dhaawacyo ku maqnaan doona Alejandro Garnacho, Tom Heaton, Phil Jones, Lisandro Martinez, Raphael Varane, Scott McTominay iyo Donny van de Beek.

Luke Shaw iyo Victor Lindelof ayaa la filayaa inay daafaca dhexe markale kusoo bilawdaan halka Wan-Bissaka iyo Malacia garbaha daafaca kaga soo hormari karaan Dalot.

Sabitzer iyo Eriksen ayaa Casemiro khadka dhexe kala ciyaari kara haddii Ten Hag markale doorto inuu Bruno Fernandes garab ka ciyaarsiiyo oo weerarka kala qayb noqdo Rashford iyo Martial.

Shaxaha Macquulka Ah

Brighton (4-2-3-1): Steele; Gross, Colwill, Dunk, Estupinan; Caicedo, Mac Allister; March, Enciso, Mitoma; Welbeck

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Shaw, Malacia; Casemiro, Eriksen; Bruno Fernandes, Sabitzer, Rashford; Martial

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Amex Stadium

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Andre Marriner

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here