Walxo kiimiko ah oo ay dad ugu dhinteen dalka Hindiya

0
93

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 11 qof ayaa dhintay, ka dib markii uu neefaha gaas ay ka soo baxeen halkii ay ku kaydsanaayeen waqooyiga Hindiya.

Haween iyo carruur, ayaa ka mid ah dadka ku dhintay magaalada dekedda leh ee Ludhiana ee gobolka Punjab. Dhowr qof ayaa laga helay guryahooda iyagoo miyir daboolmay.

Goobta ayaa la xiray, waxaana laga daad gureeyay dadkii deganaa agagaarka uu shilku ka dhacay, ka gadaal markii dad badan ay sheegeen in neefsashada ay ku adkaatay.

Afar ruux, ayaa lagu daweynayaa isbitaalka. Ilaa hadda ma cadda halka uu kasoo baxay ama kasoo daatay Gaaskani. Mid ka mid ah saraakiisha, ayaa soo jeediyay in laga yaabo in gaasku kasoo baxay godad dhulka hoostiisa ah.

Wakaalada wararka ee PTI, ayaa ka soo xigatay guddoomiye ku xigeenka Ludhiana Surabhi Malik in ay tiri: “Waxa aanu ka soo ururin doonaa haraadigii waxyaabihii ka haray gaaska godadka, waxay u badan tahay in qaar kamid ah kiimikooyinka ay la falgaleen maadada kale ee kiimikada ee methane ee ku jiray godad biyoodka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here