Qorshaha mareykanka uu kusoo celinayo soo galootiga qaar iyo xarumo uu ka furanayo dalal kamida deriska

0
81

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu xarumo cusub oo ka furo dalal ka tirsan latin America

Xarumaha oo loo qorsheeyay dadka soogalootiga ayaa laga furayaa Colombia iyo Guatemala taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu dhimayo soogalootiga aan sharciga lahayn.

Tirada masaafurinta kuwa aan u loo oggoleyn inay ku sugnaadaan Mareykanka ayaa sidoo kale lagu wadaa in la labo jibbaaro.

Xarumaha habaynta waxay u ogolaan doonaan codsadayaasha guulaysta inay si sharci ah ku soo galaan Maraykanka oo ay wanaajiyaan helitaankooda gargaar sida habaynta dib u dejinta qaxootiga iyo dib u midaynta qoyska.

Inta u dhaxaysa 5,000 illaa 6,000 oo qof ayaa la filayaa in laga baaraandego bishii laakiin tani waa la kordhin doonaa.

Spain iyo Canada ayaa sidoo kale ku heshiiyey inay qaataan tiro ka mid ah kuwa codsanaya.

Saraakiisha Mareykanka ayaa khamiistii sidoo kale shaaca ka qaaday qorshayaasha lagu laba jibaarayo tirada duullimaadyada masaafurinta ee dalalka qaar.

Kuwa isku daya in ay si sharci darro ah dhinaca badda uga gaaaraan America ayaan sido kale loo oggolaan doonin sii daynta sharafeed, taasoo u oggolaanaysa inay si ku-meel-gaar ah ugu noolaadaan oo uga shaqeeyaan Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa cadaadis xooggan lagu saaray inuu wax ka qabto tirada badan ee muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee lagu qabto iyagoo ka gudbaya xadka Mareykanka iyo Mexico.

Ilaa 200,000 oo muhaajiriin ah oo aan sharciyeysnayn ayaa isku dayaya inay galaan Maraykanka bishiiba, sida ay muujinayaan xogtii ugu dambaysay ee dawladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here