55 Qof oo Ku Dhintay Doon Ku Degtay Xeebaha Liibiya

0
92

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dooni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub ayaa ku degtay xeebaha dalka Liibiya, waxaana wararku sheegayaan inay goobtaas ku qaraqmeen ugu yaraan 55 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka.

Masiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda, marinkan halista badan, halkaas oo kumanaan qaxooti ahi ay sannad walba maraan, iyaga oo isku dayaya inay gaadhaan dalalka Yurub.

Hay’adda Socdaalka Dunida ee loosoo gaabiyo IOM ayaa sheegtay in masiibadani ay dhacday maalinimadii Talaadada.

Doonta qaraqantay ayaa sidday illaa 60 tahriibe, waxayna ka shiraacatay xeebta magaalada Garabouli oo dhinaca bari ka xigta caasimadda Tripoli.

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in shan qof ay ka badbaadeen masiibadan, kuwaas oo ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay keeneen dhinaca berriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here