Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo heshiis gaaray.

0
83

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa wada gaaray heshiis taariikhi ah oo uu ku jiro qorshe ah in si joogto ah maraakiibta hubka Nukliyeerka ee Mareykanka loo geeyo Kuuriyada Koonfureed.

Washington waxa kale oo ay oggolaatay in ay Seoul ka qeybgaliso qorshaheeda ku aadan adeegsiga hubka nukliyeerka ee ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

Qorshahan oo loogu magac daray Baaqa Washington, ayaa xoojin doona iskaashiga xulafada si looga hortago weerar lagu qaado Kuuriyada Waqooyi, ayuu yiri Mr, Biden.

Waxa uu ka hadlay Arbacadii intii lagu jiray shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Mr Yoon, oo ku sugan Washington toddobaadkan si ay uga wada hadlaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka Ukraine, isbeddelka cimilada, iskaashiga internetka iyo awoodda nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here