Hay’adda caafimaadka aduunka oo ka digtay mid ka mid ah Sharoobooyiinka qufaca ee caruurta

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qayb ka mid ah sharoobada qufaca oo sumeysan islamarkana lagu farsameeyay dalka Hindiya lagu arkay jasiiradaha Marshall iyo Micronesia.

WHO waxa ay sheegtay in la tijaabiyay sharoobada Guaifenesin TG, oo ay samaysay shirkadda fadhigeedu yahay Punjab ee QP Pharmachem Ltd, ayna natiijada muujinayso ” xaddi aan la aqbali karin oo ah maadada diethylene glycol iyo ethylene glycol”.

Labadan maado ee ku jira sharuubadan ayaa ah mid sun ah oo haddii uu qofka isticmaalo uu u dhiman karo.

Bayaanka hay’adda caafimaadka aduunka si gaar ah uma sheegin in ay jiraan dad ku xanuunsaday sharoobadan ama u dhintay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here