HORDHAC: Man City v Arsenal

0
104

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Manchester City ayaa qaabilaysa kooxda hoggaaminaysa haatan ee Arsenal kulanka saamaynta ugu weyn ku yeelan kara guuleystayaasha Premier League ee xilli ciyaareedkan 2022-23.

Arsenal ayaa hadda shan dhibcood ku haya hoggaanka PL iyagoo laba kulan oo dheeri ah ciyaaray, guul ay caawa gaadhaan ayay siddeed dhibcood ugu qaban doonaan tartanka halka guul ay caawa City gaadho ay laba dhibcood u jirsanayso hoggaanka iyadoo waliba laba kulan baaqi u yihiin.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Manchester City waxa ka maqnaan doona daafaca bidix ee Nathan Ake oo aad muhiim ugu ahaa Pep Guardiola xilli ciyaareedkan.

Aymeric Laporte ayaa la filayaa inuu bedelo Ake kulan uu Pep saddex daafac dhexe oo kaliya ku ciyaari karo isagoo khadka dhexe Rodri kala ciyaarsiin kara Bernardo Silva oo marna daafaca bidix u wareegaya si lamid ah sidii uu Emirates ugaga soo badiyay Arsenal.

Gundogan iyo De Bruyne ayaa khadka dhexe ee hore kusoo wada bilaaban doona halka lagu wado in Grealish iyo Mahrez garbaha weerarka ka caawiyaan Haaland.

Dhinaca Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay inuu markale maqnaan doono daafaca dhexe ee William Saliba oo joogto ka ahaa xulashada Gunners, Holding ayaa markale daafaca dhexe kala soo muuqan doona Gabriel.

Xhaka oo kulankii ugu dambeeyay maqnaa ayaa la filayaa inuu khadka dhexe kala ciyaaro Partey iyo Odegaard halka Martinelli, Jesus iyo Saka weerarka kaga soo hormari karaan Trossard.

Shaxaha Macquulka Ah

Man City  (3-4-2-1): Ederson; Stones, Dias, Laporte; Mahrez, Rodri, Gundogan, Grealish; De Bruyne, Silva; Haaland

Arsenal (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Holding, Gabriel, Zinchenko; Odegaard, Partey, Xhaka; Saka, Jesus, Martinelli

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Michael Oliver

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here