UEFA Oo Xaqiijisay Isbeddello Lagu Samaynayo Champions League

0
95

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa sheegay in ay miiska saaran yhiin qorsheyaal isbeddel loogu samaynayo tartanka Champions League, waxaana qorshahan qayb ka ah in tartanka loo rari karo waddanka Maraykanka.

Aleksander Ceferin oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay, in ay si degdeg ah loo arki doono isbedello sababi doona in ay kubadda cagtu taageereyaal badan ka hesho waddanka Maraykanka oo inta badan dadkiisu aanay xiisaynin kubadda cagta.

UEFA oo daba socota qorshaha FIFA ee Koobka Adduunka 2026 ee wada jirka loogu qanayo waddamada Maraykanka, Canada iyo Mexico ayaa waxay doonaysaa in horyaalka nadiyada Yurub ee Champions League lagu ciyaaro qaarado kala duwan.

Aleksander Ceferin ayaa waxa uu sheegay, in ay ka fiirsanayaan finalka Champions League amaba kulamo ka mid ah tartankaas ay geeyaan waddanka Maraykanka, waxaana uu qiray in finalkii 2018 ay mar isla soo qaadeen in lagu ciyaaro garoonka Big Apple ee magaalada New York.

“Sanndo ka hor waxa jiray warr suuqa soo galay oo sheegayay in ay bilaabantay fikrad ah in finalkii Champions League ee 2018 lagu qabto New York. Waxa aynu aragnay kooxo reer Yurub ah oo ay macne weyn u samayso in ay ku ciyaaraan Maraykanka 20kii sannadood ee ugu dambeeyey.” Ayuu yidhi Aleksander Ceferin.

Waxa uu intaa ku daray: “Mar hore ayaanu bilownay in aanu ka wada hadalno [in finalka Champions League lagu ciyaaro Maraykanka]. Sannadkan, finalku wa aIstanbul, 2024 waa London iyo 2025 oo Munich ah iyo wixii ka dambeeya oo aynu arki doono [in Maraykanka la geeyo].”

Mar si gaar ah loo weydiiyey haddii sannadka 2026 ay Maraykanka ku qaban doonaan finalka, waxa uu ku jawaabay: “Waa suurtogal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here