Xabbad-joojin looga dhawaaqay Suudaan

0
48

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dhinacyada isku haya Suudaan ay ku heshiiyeen xabbad joojin 72 saacadood ah laga bilaabo saqdii dhexe ee xalay.

Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin.

Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadahadallo socday 48 saacadood.

Ugu yaraan 400 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15-kii bishan April.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here