Dad tiro badan oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday dalka Yemen

0
43

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 78 qof, ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday iskuul ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca, oo ay ka socotay qeybinta sadaqada bisha Ramadaan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Muuqaalo laga soo duubay TV-ga, ayaa muujinaya dad aad u fara badan oo aan awoodin inay dhaq dhaqaaqaan, iyo in badan oo ku dhibaateysan nawaaxiga Bab al-Yemen ee magaalada.

Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay isugu soo baxeen Dugsiga Maeen goor dambe oo arbacadii ah, si ay u helaan tabarucaad dhan $9 (£7; €8) qofkiiba.

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee fallaagada ah, ayaa magaalada Sanca maamulayay tan iyo sanadkii 2015-kii.

Muuqaal la soo dhigay Baraha Bulshada, ayaa muujinaya dhulka yaalla oo gaaraya illaa iyo tobon, kuwaasoo qaarkood aan dhaqdhaqaaq lahayn.

Dad kale, ayaa la arkayaa iyagoo isku dayaya inay caawiyaan dadkaas daadsan dhulka..

Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay in la xiray labo nin oo ka mid ahaa ganacsatada deegaanka, oo soo qaban qaabiyay xaflada, waxaana socda baaritaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here