Iibka computer-rada dalka Iran oo uu ku yimid hoos u dhac weyn

0
45

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Wargeyska Etemad, ayaa warbixin uu soo saaray kaga hadlay fiidnimadii xalay suuqa agabka kombayuutarrada, kadib markii uu kor u kacay qiimaha sarifka lacagaha.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in sare u kaca ku yimid sarifka lacagta Doolarka, uu sababay hoos u dhac ku yimid qiimaha suuqan computer-rada;

“Suuqyada Laptop-yada iyo Kombuyuutarada maalmahan, qiimuhu waa mid ciriiri ah, waxaana dadka leh meheradahan la xiriira iibinta qalabkani ay sheegeen in hoos u dhac weyn uu ka jiro, taasoo ay ugu wacan tahay awoodda wax iibsiga ee dadka oo yaraatay.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dadka wax iibinaya ay alaabtooda ku soo gudbiyaan qiimo aad uga sarreeya, marka loo eego qiimaha caadiga ah.

Mid ka mid ah dadka kombuyuutarada iibiya, ayaa wargeyska Etemad u sheegay: “Iibka waxa uu gaaray toban meelood meel, marka loo eego saddex sano ka hor, laakiin dadka iibiya waxay kordhiyeen faa’iidadooda, si aanay u khasaarin, run ahaantii, waxaan nafteena ku badbaadinay in aan faa’iidada aan kordhinay.

Qaybaha iyo badeecadaha kombuyuutarku waa qeyb uu si weyn u saameeyey sarifka doolarka, qiimuhuna wuu is beddelaa marka uu sarifku isbeddelo.

Waqtigii qiimaha lacagta Doolarka uu ugu sarreeyay, qaar ka mid ah iibiyeyaasha computer-rada, ayaa diiday inay iibiyaan, sababtoo ah hubanti la’aanta xaaladda qiimaha maalmaha xigga maalintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here