Liverpool Oo LIX Gool Ku Xasuuqday Leeds United Kuna Soo Laabatay Tubta Guusha Ee Ay Ka Raagtay

0
93

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa karbaashtay Leeds United oo ay nus-dersin goolal ah kusoo burburisay kulan ka dhacay Elland Road oo ay Reds dib ugu soo noolaysay rajadeeda ah inay ku tartanto afarta sare, inkasta oo ay wali fadhiyaan booska kaalinta siddeedaad.

Leeds United ayaa argagax ku abuurtay Liverpool 30kii daqiiqadood ee ugu horreeyey oo ay u diideen wax fursado ah, isla markaana ku qaadeen weerarro halis badnaa oo ay faruhu casaadeen goolhaye Alisson Becker.

Tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey qaybta hore ayay Liverpool keensatay laba gool oo midkood shaki lahaa oo ay kubaddu gacanta kaga dhacday Alexander-Arnold laakiin ay VAR sheegtay in ay gacantu ka xidhnayd dhinaca hoose ee faraha iyo mid uu ku daray Mohamed Salah oo shakiga laga saaray.

Waxa shabaqa soo taabtay Cody Gakpo oo furay gool-dhalinta kaddib markii uu baas dahabi ah ka helay Alexander-Arnold oo kubadda gacantiisa kusoo dhacday u dhiibtay Salah oo isaguna meel cidlo ah oo garabka midig ah ugu tuuray, taas oo uu daafaca reer England goolka hortiisa usoo dhigay Gakpo oo si fudud u dhamaystiray daqiiqaddii 35aad ee ciyaarta.

Afar daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay Liverpool hoggaanka kusii dheeraystay kubbad laad xor ahayd oo uu Diogo Jota kasoo celiyey dhinaca bidix ee xerada ganaaxa, isla markaana uu goolka hortiisa ka helay Salah oo dhamaystay.

Mohamed Salah ayaa dhaliyey gool kale oo offside ahaan looga diiday, iyada oo lga soo hubiyey VAR, laakiin taasi kama joojinin in ay kooxdiisu shabaqa gaadhsiiso fursad kasta oo ay hesho.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Liverpool nasxday, waxaana hadiyad bixiyey Ibrahima Konate oo kubbad uu dhiibi waayey loogu yimid oo laga qaatay, isla markaana ciyaarta uu Luis Sinisterra kaga dhigay 2-1.

Intaas wixii ka dambeeyey ayay Liverpool afar gool oo kale oo daran-doorri ah keensatay iyadoo Diogo Jota uu jawaab degdeg ah ka bixiyey goolka Leeds United, ka hor intii aanu Mohamed Salah shabaqa soo taabanin mar labaad.

Weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota oo is-muujinayay ayaa goolka shanaad ee kooxdiisa dhaliyey halka Darwin Nunez oo beddel kusoo galay uu isaguna isku qoray diiwaanka goolasha.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 6-1 ay guushu ku raacday

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here