Man City Vs Bayern Munich

0
90

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Man City ayaa lugta 1-aad ee wareegga quater final-ka Champion-ka waxa ay caawa ku marti gilinayaan kooxda Bayern Munich , waana kulan noqon doona mid lafa jibis ah

Xogta Kulanka

Kulankaan ayaa noqonayaa kii todobaad ee labadaan koox ku dhex maraya tartan yurub ah , labadaba midkiiba sedex guul ayaa qaatay iyadoo dhamaan ay ahaayeen Champion-ka

Manchester City ayaa badisay labo jeer oo hore markii ay Bayern Munich ku martigelisay tartanka UEFA Champions League ,iyadoo hal guuldarro ay ka soo gaartay Pep Guardiola oo  Bayern hogaaminayay  bishii October 2013 (1-3).

Tan iyo markii 4 kukan isku xigta oo banaanka garoonkoda ah kala soo kulantay kooxaha Ingiriiska iyadoo Champion-ka la joogo  inta u dhaxeysay 2005 iyo 2011-kii , Munich waxa ay qasareen kaliya laba jeer 10kii  safar ee ugu dambeeyay , 6 guul iyo laba bar bar dhac ayay wataan

Manchester City ayaa badisay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha Germany tartanka UEFA champions, waxaana ku jira afar kulan oo wareegga 16-ka ah

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa guul gaaray 54% kulamadii uu ciyaaray wareega 16ka ee tartanka UEFA Champions League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here