Xeer ilaaliyihii u danbeeyey ee wax ka xukumay dambiyadii Dagaalkii Labaad ee Adduukna oo dhintay

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xeer ilaaliyihii ugu dambeeyay ee ka badbaaday dagaalkii labaad ee adduunka ee lagu maxkamadeeyay xubno tiro badan magaalada Nuremberg, ayaa ku dhintay da’da 103 sano jir.

Ben Ferencz, ayaa wuxuu ahaa 27 jir markii uu xaqiijiyay, in 22 sarkaal oo Nazi ah lagu helay dambiyo dagaal, iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha.

Markaa Ka dib, ayaa waxa uu u ololeeyay in la sameeyo maxkamad caalami ah, si looggu qaado dambiyada dagaalka, hadafkaas oo la xaqiijiyay sanadkii 2002-dii.

Ferencz ayaa waxa uu dhintay isagoo hurdo fiidnimadii jimcaha, isagoo ku sugan goob lagu caweeyo oo ku taalla Boynton Beach, Florida.

Matxafka Holocaust ee Mareykanka, ayaa waxa uu u xaqiijiyey in dunidu uu ka baxay “hoggaamiyaha baadi goobka caddaaladda ee dhibanayaasha xasuuqa”.

Ferencz ayaa wuxuu ku dhashay Transylvania – oo ah qayb ka mid ah dalka Romania – 1920-kii, laakiin qoyskiisu ayaa waxay u haajireen Maraykanka markii uu yaraa, si ay uga baxsadaan nacaybka, iyagoo markii dambe degay magaalada New York.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here