HORDHAC: Barcelona v Girona

0
69

Jowhar – ( Radio Isnaay )  -Kooxda hoggaaminaysa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa haysata fursada ay hal talaabo ugu jirsan karto ku guuleysiga horyaalka La Liga 15 dhibcoodna hoggaanka kaga qaban karto Real Madrid.

Barca ayaa Camp Nou caawa kula ballansan kooxda ay gobolka Catalonia kasoo wada jeedaan ee Girona oo booska 11-aad kaga jirta kala sarreyntya La Liga.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Xavi Hernandez waxa markale ka maqnaan doona xiddigaha muhiimka u ah ee Ousmane Dembele, Pedri, Andreas Christensen iyo Frenkie de Jong oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Daafaca Barca ayaa lagu wadaa inay markale kusoo wada bilawdaan Kounde iyo Balde oo garbaha ah iyo Araujo iyo Alonso oo daafaca dhexe ah.

Gavi iyo Franck Kessie ayaa khadka dhexe kala ciyaari kara kabtan Sergio Busquets halka Ansu Fati heli karo fursad uu weerarka kagala ciyaaro Raphinha iyo Robert Lewandowski.

Dhinaca Girona waxa maqnaan doona Borja Garcia, Joel Roca, Alexander Callens, Yangel Herrera iyo Ibrahima Kebe oo dhammaantood dhaawacyo ku seegaya ciyaartan.

Shaxaha Macquulka Ah

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Kounde, Araujo, Alonso, Balde; Kessie, Busquets, Gavi; Raphinha, Lewandowski, Fati

Girona (4-1-4-1): Gazzaniga; Martinez, Bueno, Lopez, Hernandez; Romeu; Tsigankov, Martin, Garcia, Villa; Castellanos

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here